U bood dhigaalka

Puntland “Waxaan Qabanay Doonyo Sharci Darro Shidaal Ugu Qaadayay Yemen” (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Afar Doon oo ay sheegeen in si sharci darro ah ay shidaal ugu qaadayeen dalka Yemen oo dagaallo ka socdaan, kuwaasi oo lagu soo bandhigay dekadda Magaalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta Booliiska ee magaalada Boosaaso oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muddo badan ay daba socdeen baaritaanka ku aadan shidaalka la dhoofiyo hase ahaatee ay suurta gashay in lasoo qabto dadkii waday iyo doonyihiin.

Arintaan shidaalka la dhoofinayo ayeey Puntland ku sheegtay in sare u kac u keenayso qiimaha shidaalka deegaanadooda, sidaa darteedna ay uga hortagayaan.

Dagaallada Yemen markii ay bilawdeen waxaa isa soo tarayay ganacsdato ku dhaqan Puntland oo si qarsoodi ah shidaal ugu iib geynaysay dalkaasi, taasi oo macaash badan ay ka helayaan.

Hase yeeshee war kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin daabulista shidaalka, ciddii lagu arkana tallaab cad laga qaadi doono.

Hoos ka daawo sawirada:-

P5 P4 P2 P1

Goobjoog News