U bood dhigaalka

Puntland: Waxaan u Aragnaa In DFS Ay Garabsiineyso Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay lacag Hal Milyan doolar ah oo shalay dowladda federaalka ugu deeqday Somaliland si wax loogu qabto dada ku nool deegaannada Bari ee Somaliland, kuwaasi oo ay saameysay duufaantii dhowaan halkaasi ku dhufatay.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, C/laahi Cali Xirsi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in lacagahaasi u arkaan mid lagu doonayo in Somaliland kusii huriso dagaallada ay kula jirto Puntland.

Waxa uu sheegay wasiirka iney ahayd in dowladda dhexe ay lacagtaasi ku wareejiso hay’adaha kheyriga ah si ay dadkaasi wax ugu qabtaan.

“Puntland ma diidana in loo gurmadoumadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku dhacday, laakiin waxaan diidanahay una aragnaa lacagtaas Halka Milyan ee ay Hormuudka ka ahaayeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka Maaliyadda iney ahayd inaan lacag labixin ee loo dhiibo hay’adaha kheyriga ah ee dadkaasi Soomaaliyeed loogu gargaaro” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Puntland waxay u aragtaa in lacagtaasi tahay mid kaash ah oo gacanta laga saaray Muuse Biixi iyo maamulkiisa lagu hurinayo dhibaatada ka taagan Sool iyo Sanaag, annaga ka Puntland ahaan waan cambaareyneynaa, waxaana u aragnaa mid lagu dhibaateynayo Puntland iyo shacabkeeda, Puntland duufaantu wey ku dhufatay, waxaa degay 9 doonyo oo u rarnaa reer Puntland, Laashash kalluumeysi ayaa degay, kumanaan guri ayaa dumay”

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa ugu dambeyn sheegay in ka maamul ahaan ay u arkaan in dowladda federaalka ku biirtay colaadda ka dhaxeysa maamulkooda iyo Somaliland, islamarkaana ay garabsiineyso Somaliland.

“Waxaan u aragnaa in dowladda federaalka ay ku biirtay colaadda ka dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, ayna garabsiineyso Somaliland, waxaan u aragnaa inaanay dhex ka ahayn arrimaha ka taagan Puntland iyo maamulka Hargeysa”

Guddiga gurmadka qaranka ayaa shalay sheegay in dowladda federaalka ay Hal Milyan doolar ugu deeqday Somaliland, waxaana lacagtaasi loogu talogalay in wax loogu qabto dadka ay saameysay duufaantii ku dhufatay deegaannada bari ee Somaliland.

Goobjoog News