Qaramada Midoobay oo Ka Digtay Ayax kale oo ka Dillaaca Soomaaliya

Hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa u qaabbilsan dalagga iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay inuu Soomaaliya ka kaco taranka Ayaxii dhowaan ka dillaacay waddamada bariga Afrika, kaas oo waxyeello u geystay dhul daaqsimeed badan.

Hay’adda FAO oo soo xiganaysa Xafiiska xiriirinta arrimaha Bini-aadam-nimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), ayaa sheegtay in Ayaxdu uu haatan ka billowday gobollada Waqooyi bari Soomaliya , iyagdoo la filayo in uu kordho Todobaadyada soo socda.

Hay’adaha Qaramada midoobay ayaa ka walaacsan in ay dillaacdo Ugxanka Ayaxa Bilaha uu soo dhowaado Roobka ee April iyo June, markaas oo laga yaabo in ay Koron-koradu waxyeelleyso dalagga, daaqa iyo Beeraha.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW