U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey:  Lacag Looma Hayo Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobey ayaa todobaadkan sheegtay in aaney wax lacag ah u aheyn abaarta ka jirta Soomaaliya, iyaga oo sabab uga dhigay in laguu sii jeedo dagaalka Russia-Ukraine.

Soomaaliya oo ah dalal dhibaatooyin badan ka jiraan ayaa waxaa hareeyey abaar ba’an iyada oo aaney 3 sano di’in wax roobab ah. Ilaa 4.5 million oo dad ah oo u dhiganta 30%  ayey aba

Adam Abdelmoula, oo ah ergayga Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya arrimaha banii’aadnimada ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Nairobi ka sheegayn in qaramada midoobey aaney gacan ku heyn wax ka badan 3% lacagta looga baahanyahay abaarta oo dhan $1.46 billion (1.23 billion euros) isaga oo intaa raaciyey in xaaladda ay kasoo dareyso.

Xaaladda mugdi ayeyba aheyd kahor dhibaatada Ukraine, oo waxaa jiray dhibaatooyinka  Tigray, Yemen, Afghanistan iyo hadda lagu daray oo dhuuqdaba dhammaan oxygen-kii qolka yaallay, aad ayaan uga walwalsanahay”. Ayuu Adam intaasi raaciyey.

Adam oo sii hadlaya arrimahan waxaa uu yiri “Dad lagu qiyaasay 671,000 ayaa guryahooda ka cararay iyaga oo biyo,  cunto, iyo daaq raadinaya, kuwaas oo ku labojibaarma 245,000 oo hoary u barakacay December”.

Ugu dambeyntii, Adam Abdelmoula waxaa uu sheegay in sanadkii tagay uu booqday afar caasimad oo Yurub ah iyo Washington DC si uu Soomaaliya wax ugu qabto gaar ahaan abaaraha, COVID 19 iyo ayaxa.

Dhibaatooyinka dabiiciga oo aan dagaal ku jirin ayaaba keena baraukaca Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa dalkan geeska Afrika mid nugul.

Goobjoog News