U bood dhigaalka

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Siinka Dheer

Sheeko:Dalka

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka baabuur nuuca raaxada ah ayaa ku qarxay goor dhow degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in labo nin ay ku geeriyootay oo midi ahaa ninkii waday baabuurta halka kan kale uu ahaa askarigii joojiyay gaarigaasi.

Gaarigaas oo ahaa kaarib ayaa waxaa sidoo kale markii uu qarxay dhaawacyo uu ka soo gaaray afar qof oo shacab ah iyo nin kaleoo askarta dowladda ka tirsanaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda dowladda federaalka ayaa durbaba gaaray goobta ay wax ka dhaceen.

Dadka degaanka waxay Goobjoog News ayaa sheegay in baabuurka uu qarxay markii ninkii waday lagu amray inuu joojiyo.

Wararka qaar waxay sheegayaan in ninka waday baabuurka oo dhaawac ah ciidanku ay qabteen hase yeeshee ma jirto il laga xaqiijiyay warkaasi.

Taliska nabad sugidda iyo kan booliskaba weli kama aynaan hadlin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay isgoyska Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News