U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho iyo Khasaare Ka Dhashay

Sheeko:Amniga

Qarax ayaa waxaa goor dhow uu ka dhacay magalaada Muqdisho, kaas oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay gaari uu lahaa  Muxiyadiin Xasan Afrax, oo kamid ahaan jiray xildhibananada Baarlmaanka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Kaaraan, waxaana qaraxa waxyeello kasoo gaartay ilaalada xildhibaanka oo gaariga la socday, wararka ayaana sheegaya in waqtiga qaraxa uu dhacaayey uusan Muxiyadii la socon gaarigiisa.

Qaraxa ayaa waxaa inta la xaqiijiyey ku geeriyooday mid kamid ilaaladii gaariga la socotay halka uu jiro dhaawaca laba kale sida ay sheegayaan wararka aan heleyno, lamana oga khasaare intaas dhaafsan oo qaraxa ka dhashay.

Goobjoog News