U bood dhigaalka

Qarax lagu dilay wadaad Caan ah oo ka dhacay Afghanistan

Sheeko:Dalka

Jimcihii shalay weerar khasaaro gaystay oo ka dhacay masaajir ku yaalla galbeedka dalka Afghanistan, ayaa waxaa ku geeriyooday 18 qof oo kamid ah dadkii ku tukanayay masaajidka.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray wadaad caan ah oo ka tirsanaa kooxda Talibaan ee la wareegtay talada Afghanistan, Mujibur Rahman Ansari.

Inta la xaqiijiyay 24 qof oo kale oo ku sugnayd gudaha masaajidka ayaa ku dhaawacmay weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday qarax.

Afhayeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in sharciga ay la tiigsan doonan kooxihii ka dambeeyay dilka wadaadka.

Goobjoog News