U bood dhigaalka

Qatar oo kulmisay Hoggaamiyayaasha Masar iyo Turkiga

Sheeko:Dalka

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim ayaa ku guuleestay in uu kulan siiyo Madaxwayne Erdogan iyo madaxwaynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi.

Labada madaxweyne ayaa sannado badan is arag, waxaa sidoo kale ka dhaxeeyay khilaaf xooggan oo saameeyay xiriirka labada dal.

Kulanka labada hoggaamiye ee Masar iyo Turkiga ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Albayt kaas oo lagu daahfurayay koobka adduunka.

Erdogan iyo Sisi ayaa sanadihii la soo dhaafay sidoo kale ahaa ku uu sii xumaanayay xiriirkooda, waxaana wararka ay sheegayaan in kulanka labada hoggaamiye uu doorwayn ka qaatay amiirka dalka Qatar.

Tamim bin Hamad Al Thani oo ah amiirka dalka Qatar ayaa labadaan madaxweyne ku casuumay in ay ka soo qaybgalaan furitaanka mundiyaalaha adduunka.

Sawir laga qaaday xilli uu kulan siinayay amiirka qatar madaxweynayaasha Masar iyo Turkey, ayaa noqday mid aad ugu faafay baraha bulshada ee Soomaalida ku xiriirto.

Goobjoog News