Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa doorashada goleyaasha deegaanka ee ka socota magaalada Muqdisho, taas oo loo arko tallaabo taariikhi ah oo lagu wajahayo hirgelinta doorashooyin toos ah oo qaran, markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni.