KORJOOGTADA CAALAMIGA AH EE DOORASHADA MUQDISHO OO KORORTAY Sida ay ogaatay Goobjoog Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa noqotay dowladdii ugu horraysay ee qura ee ilaa hadda si rasmi ah korjoogto caalami ah ugu soo dirtay doorashooyinka Golaha Deegaanka ee magaalada Muqdisho. 1 daqiiqo
1 daqiiqo Maxay ka dhigantahay in ku dhowaad 60 sano ka dib maanta ay Muqdisho si nabad ah doorashada qof iyo cod ahi uga qabsoonto? Doorashada goleyaasha deegaanka ayaa si habsami leh uga socota goobaha codbixinta gobolka Banaadir, iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay si loo xaqiijiyo nabadgelyada codbixiyeyaasha iyo hannaanka doorashada.
2 daqiiqo Muqdisho oo saaka wada bandow ah iyo dadweynaha oo safaf dheer dheer ugu jira goobaha codbixinta Magaalada Muqdisho ku dhowaad 60 sano ka dib waxaa saaka looga dareeray doorasho dadweyne oo taariikhi ah, taas oo lagu dooranayo goleyaasha deegaannada caasimadda, ayadoo kumannaan qof ayaa safaf dhaadheer ugu jiro goobaha codbixinta.
2 daqiiqo Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashada goleyaasha deegaanka oo caasimadda Muqdisho ka socda diyaar-garowga qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ayaa si weyn uga socda caasimadda Muqdisho, ayadoo berrito oo Khamiis ah lagu wado inay ka dhacdo doorashadu.
2 daqiiqo Guddiga Doorashada Soomaaliya oo Dardargeliyay Diyaar-garowga Doorashooyinka Taariikhiga ah ee Muqdisho Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa sare u qaaday diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashooyinka deegaanka ee magaalada Muqdisho, xilli caasimaddu ay isu diyaarinayso doorasho naadir ah oo ah “qof iyo cod” taasoo loo qorsheeyay December 25.
1 daqiiqo Musharrax Liibaan iyo Masuuliyiin kale oo ka qeyb galay Iskusoo-bax lagu taageerayo Doorashada Qof iyo Cod” Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda ayaa ka qeyb galay Isku soo bax balaaran oo lagu taageerayay doorashada qof iyo cod ah.
2 daqiiqo Muqdisho oo gashay marxalad diyaar-garow doorasho Muqdisho ayaa si rasmi ah u gashay wajigii ugu dambeeyay ee diyaar-garowga doorashada golayaasha deegaanka, taas oo la filayo in ay qabsoonto 25-ka bishan.
1 daqiiqo Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay in maalinta doorashada goleyaasha deegaanka uu dalku bandow geli doono Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta doorashada goleyaasha deegaanka oo ku beegan 25-ka bishan, uu dalkoo dhan geli doono bandow si loo xaqiijiyo amniga, hufnaanta iyo habsami-u-socodka doorashada.
1 daqiiqo Gudiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay jadwalka cusub ee doorashada Golaha Deegaanka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in doorashada Golaha Deegaanka lagu qaban doono 25-ka December ee sannadkan, kaddib markii dib-u-dhac uu ku yimid jadwalkii hore oo qorshuhu ahaa in la qabto 30-ka November, oo berri ku beegan.
2 daqiiqo Liibaan Axmed Xasan: Udub-dhexaadka Wadajirka iyo Midnimada 11-ka Beel Iyadoo Galmudug u diyaar garoobeyso doorashada hoggaanka maamulka, Liibaan Axmed Xasan ayaa si xooggan ugu soo baxay musharrax ay beeluhu ku qanceen, isla markaana awood u leh inuu isu dheellitiro dano siyaasadeed oo kala duwan.