1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Guddiga doorashooyinka oo faahfaahin ka bixiyay doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashadu si habsami leh uga bilaabatay 10 degmo oo ka tirsan Hirshabeelle iyo 11 degmo oo ka tirsan Galmudug.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada oo ka socata deegaannada Hirshabeelle Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle ayaa ka socota deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, iyadoo dadweynuhu ay u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashada xubnaha matalaya golayaasha maamulka.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Doorashada ku celiska ah ee Galmudug oo maanta ka dhacaysa deegaannada maamulkaas Doorashada qof iyo codka ee dowlad-goboleedka Galmudug ee ku celiska ah ayaa maanta ka dhacaysa deegaanno kala duwan oo ka tirsan maamulkaas, iyadoo shacabka ay safaf dheer dheer ugu jiraan inay codkooda ka dhiibtaan goobaha loo diyaariyey doorashada.
2 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Ololaha doorashada ku-celiska ah ee Galmudug oo Gaalkacyo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu soo gabagabeeyay ololaha doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, iyadoo musharraxiinta iyo ururrada siyaasadeed ay maalmihii u dambeeyay olole iyo kulamo siyaasadeed ka wadeen deegaanno kala duwan oo ka tirsan Galmudug.
2 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyey musharraxiinta doorashada ku-celiska ah ee Galmudug Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyey liiska musharraxiinta ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashada ku-celiska ah ee isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada, War Wafdi uu hoggaaminayo murashaxa madaxweynaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo Gaaray Guriceel Wafdi uu hoggaaminayo murashaxa hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo ay ku jiraaj mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Guddiga Doorashooyinka iyo Wasaaradda Haweenka oo ka wada hadlay qoondada haweenka Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta xarunta dhexe ee Guddiga kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Marwo Khadiija Al-Makhsuumi, iyo masuuliyiin sare oo ay…
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Guddiga doorashooyinka oo magacaabay Madaxa Xafiiska Guddiga ee Galmudug Muqdisho, Sebteembar 15, 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa magacaabay Madaxa Xafiiska Guddiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha Guddiga ayaa,…
1 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Hadlay Ka Reebista Ururka Towfiiq Doorashada Ku-celiska ah ee Galmudug Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdifataax Faysal Xuseen, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta Ururka Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir, looga reebay doorashada ku-celiska ah ee ka socota Dowlad Goboleedka…
2 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Doorashada Ururka JSP oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in Cali Guudlaawe uu yahay Murasharaxooda Hoggaanka Hirshabeelle Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan siyaasadeed oo lagu shaaciyay musharraxa uu ururku sheegay inuu u meteli doono tartanka doorashada hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.