Taariikhdu waa 03da Janaayo 2026, amintuna waa saqbar, badi dadyowga dunidu weli waxay ku mashquulsan yihiin fasaxyadii dabbaaldegga sannadka cusub, se dalka Venuzuella xaaladdu tan waa ka geddisan tahay, Madaxweynaha iyo ciidamada dalkaasi waxay ku jiraan heegan iyo xaalad hubanti-la’aan ah, oo ay ka cabsi qabaan in weerar dhinaca badda ama dhulka ah uu dalka Maraykanka ku soo qaado dalkooda, ka dib hanjabaadyo isa soo tarayay, oo ka imaanayay Madaxweyne Trump, se hal mar ayaa wax walba si lamafilaan ah isu beddeleen.