Jilaa caan ah oo Hollywoodka Mareykanka ka tirsan oo xaaskiisa oo meydadkooda laga helay gurigooda Jilaaga caanka ah ee Hollywood-ka, Rob Reiner, iyo xaaskiisa Michele Reiner ayaa lagu helay iyagoo meyd ah gurigooda ku yaalla magaalada Los Angeles, sida ay weriyeen warbaahinta Mareykanku. 2 daqiiqo
1 daqiiqo Turkiga iyo Maraykanka oo isku mari la’ diyaaradaha F-35 Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah xaqiijisay in Turkey iyo Maraykanka ay dib u billaabeen wada-xaajoodyo ku saabsan cunaqabateynta Mareykanka iyo dib-ugu-soo-laabashada Ankara ee barnaamijka diyaaradaha F-35.
1 daqiiqo M23 oo Gacanta Ku Dhigtay magaalada muhiimka ah Uvira Fallaagada M23 ee ku sugan bariga dalka Congo ayaa sheegay inay hadda si buuxda ula wareegeen magaalada Uvira – oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay dawladdu gacanta ku haysay ee koonfurta gobolka Kivu.
1 daqiiqo Colaadda Thailand iyo Cambodia oo mar kale dib u qaraxday Thailand ayaa Duqeymo Cirka ah Ka Fulisay Xadka Cambodia, iyadoo Xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ay mar kale dib u Qaraxday
2 daqiiqo RSF oo lagu eedeeyay inay tacaddiyo u geysteen todobanaan Haween ah Shabakadda Dhakhaatiirta Sudan ee SDN ayaa soo saartay cambaareyn culus oo ka dhan ah ciidamada RSF, kadib markii ay soo shaac baxday in ugu yaraan 19 haween ah la kufsaday intii ay ka soo barakacayeen magaalada El-Fasher ee gobolka Darfur.
2 daqiiqo Militariga dalka Baniin oo sheegay inay taladii dalka Afgembi kula wareegeen Saraakiil ka tirsan milatariga dalka Benin ayaa goor dhow ku dhawaaqay inay afgambi ku rideen Madaxweynaha dalkaas Patrice Talon, kaddib markii ay si toos ah uga soo muuqdeen telefishinka dowladda oo ay ku akhriyeen bayaan kooban
2 daqiiqo DRC iyo Rwanda oo heshiis nabadeed ku gaaray Washington Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magaalada Washington ku martigeliyay labada hoggaamiye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) Félix Tshisekedi iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis nabadeed oo lagu joojinayo colaadda muddo tobanaan sano ka jirtay bariga Congo, isla markaana lagu furayo khayraadka macdanta muhiimka u ah shirkadaha Mareykanka.
2 daqiiqo Xamaas oo khaarajisay hoggaamiyihii Kooxda ay Israa’iil Taageerto ee ku sugan Qasa Howlgal gaar ah oo ay maanta fuliyeen kooxaha iska caabinta Falastiin ayaa ka dhacay magaalada Rafax ee koonfurta Qasa, kaas oo lagu dilay Yasser Abu Shabab oo ahaa hoggaamiyihii koox ay Israa’iil tababartay oo loo diyaariyay in gudaha Qasa ay kula dagaallamaan kooxaha wax iska caabinta Falastiin, sida ay xaqiijiyeen Al Jazeera iyo telefishinka Israa’iil ee Kanaal 14.
2 daqiiqo Lebanon iyo Israa’iil oo markii ugu horreysay wada-hadal toos ah yeeshay 40 sano kadib Lebanon iyo Israa’iil ayaa markii ugu horreysay muddo ku dhow afaratan sano yeeshay wada-hadal toos ah, kaddib markii wakiillo rayid ah oo ka kala socda labada dhinac ay ka qayb-galeen kulan uu guddoominayay Mareykanku oo lagu qabtay magaalada xeebta ah ee Naqoura, ee gudaha Lebanon.
2 daqiiqo Amnesty International oo Dalbatay in baaritaan lagu sameeyo Dambiyada Dagaal ee ka dhacay Sudan Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan dambiyo dagaal oo lagu eedeeyay ciidamada paramilitary-ga ah ee Rapid Support Forces (RSF), kuwaas oo weeraro culus ku qaaday xerada dadka barakacayaasha ah ee Zamzam, gobolka Waqooyi Darfur ee dalka Sudan.