Xiisadda badda ee u dhaxaysa Shiinaha iyo Japan ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib markii Ilaalada Xeebaha Shiinaha ay ku dhawaaqeen in markab dagaal oo ay leeyihiin uu si rasmi ah u dhex maray biyaha ku xeeran jasiiradaha Senkaku, kuwaas oo ay Japan maamusho, balse Shiinuhu sheegto lahaanshahooda.