Qaar ka mid ah barnaamijyada iyo adeegyada caanka ah ee dunida ayaa maanta la kulmay cilad ballaaran oo sababay in dad badan ay awoodin inay si caadi ah u isticmaalaan. Barnaamijyada ay saameeyeen waxaa ka mid ah Snapchat, Signal, Perplexity AI, iyo adeegga caanka ah ee Amazon Web Services (AWS).