Wasiir-Dowleha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa magaalada Lomé ee caasimadda dalka Togo kulan rasmi ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga iyo Isdhexgalka Afrika ee Jamhuuriyadda Togo, Mudane Robert Dussey.