Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa khudbad ka jeediyay Shirka degdegga ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ka dhacay Jeddah, isagoo si adag u cambaareeyay xasuuqa iyo go’doominta Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, gaar ahaan Gaza.