U bood dhigaalka

Qeylo Dhaan Laga Muujiyey Abaarta Ka Jirta Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya cabashada laga muujinayo abaarta ka jirta deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Bari, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Deegaanka Ceelaanyo waxa uu kamid yahay deegaannada ay abaartani ku dhufatay, waxaana deegaankaasi aan ka jirin Biyo iyo raashiin ay dadku quutaan.

Guddoomiyaha Ceelaanyo Sahal Cabdi Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka ay saameynta badan ku yeelatay abaartan ay qaarkood ka barakaceen deegaankaasi iyo deegaannada kale ee hoosyimaada.

“Dhibaato abaareed oo xoog badan baa deegaanka iyo deegaannada kale ka jirta, waxaa jira dad badan oo kasoo cararay tuulooyinka oo soo galay Ceelaanyo, dad kalena waa ay ku dhow yihiin iney soo barakacaan, dad lahaa xoolo badan oo maanta aan waxbo u harin baad arkeysaa, xoolihii waxay noqdeen kuwo aan socon karin, kuwo ku dhammaaday abaarta, sababta ugu weyn waa biyo la’aanta” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale guddoomiye Sahal ayaa sheegay in abaarta ay dadkan ugu darsoontay cudurro kadib markii ay dadku cabeen biyo aan  nadiif ahayn.

“Cuduradii ayaaba kasii daran abaarta, dad badan baa halis ugu jira iney dhintaan, waxay cabeen biyo wasaq ah oo aan nafta loo quurin”

Abaarta ka jirta gobolka bari ayaa aad u saameysay dadka ku dhaqan deegaannada fog ee gobolkaasi, waxaana dadka hadda ugu daran biyaha oo aysan haysan meel ay biyo ka cabaan.

Goobjoog News