U bood dhigaalka

QM Oo Digniin Kasoo Saartay Halista Ka Dhalan Karta Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Hay’addaha UNICEF iyo WFP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada iyo caruurta ayaa ka digey iney kasii darto abaarta ka jirta Soomaaliya, haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan gurmad loo sameyn.

Qoraal ay soo saareen hay’adahan ayeey ku sheegeen in dadka Soomaaliyeed badi ay haatan la il daran yihiin biyo la’aan iyo sidoo kale cunto yari baahsan.

Gurmad loo sameeyo dadka abaarta ku hayso Soomaaliya ayeey sheegeen iney tahay mid haatan aad u muhiim ah, islamarkaana haddii hadda aan degdeg wax loo qaban laga yaabo in xaaladda ay ka darto sida ay haatan tahay.

Kala bar dadka ku nool Soomaaaliya ayaa la sheegay iney haysato badbaado la’aan cunto, iyo waliba baahi laga taageero hab nololeedkooda.

Warbixinta ay hay’adahan soo saareen ayaa sidoo kale lagu sheegay 949 kun oo caruur ah in sanadkaan la filayo iney galaan xaalad nafaqao darro ah, iyadoo 185 kun oo kamid ah carruurtaasi ay wajahayaan sida la sheegay nafaqo darro aad u daran, waxayna u badan tahay baa la yiri in tirada carruurtaasi ay sii kororto 50% bilaha nagu soo aadan.

WFP iyo UNICEF ayaa sheegay iney jirto fursad aad u yar oo looga weecdo musiibadan, iyaga oo tilmaamay iney ku dadaali doonaan in kaalmo ay ka bixiyaan deegaannada daran ee abaartu ka jirto.

Gobollo badan oo dalka kamid ah waxaa ka jirta abaar baahsan oo sameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News