U bood dhigaalka

QM: Soomaaliya oo 35 Milyan Gaareysa 2050 iyo Hindiya Oo Ka Tiro Badnaan-doonta Shiinaya

Sheeko:Dalka

Warbixinta sadaalinta ee qaramada midoobey ay sameysay sanadkan 2019-ka, waxaa ay sheegeysaa in 2027 ay Hindiya dad ahaan ka badnaan-doonto dalka Shiinaha. Hadda Shiinaha tiro ahaan waa 1.4 bilyan oo qof  halka ay Hindiyana ay tahay 1.3 bilyan oo qof.

Sida ku qoran warbixinta UN-ta, 2050-ka, Nigeria ayaa noqoneysa dalka 3-aad oo dadkeedu noqon-doonaan 733 Milyan oo qof, iyada oo ka sari-mari-doonta Mareykanka oo ku geli-doona kaalinta 4-aad qiyaas ahaan 434 milyan, sidoo kale  Pakistan ayaa sii ahaan-doona kaalinta 5-aad.

Dalkeenna Soomaaliya waxaa ay qaramada midoobey hadda ku qiyaastay 15.5 Milyan oo qof, 2050-ka waxaa la sheegayaa in ku kordhin-doonaan ilaa 121% oo tirada dadka ay gaari-doonaan 34.9 Milyan.

Dalalka Carabta: Masar oo hadda ah 100 Milyan waxaa ay gaari-doontaa 160 Milyan, Ciraaq oo hadda 39.9 oo gaari-doona ilaa 70 Milyan, Suudaan oo hadda ah 42.8 Milyan waxaa ay dadkiisa noqon-doonaan 81.2 Milyan.

Goobjoog News