U bood dhigaalka

Qodobo Laga Soo Saaray Safarkii Shariif Xasan Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo gabagabeeyay socdaal uu ku marayay deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, isaga iyo wafdi la socday.

Safarkaan dhulka ah ayuu ku kala bixiyay deegaanno badan oo ka mid ah gobalkaasi, waxaana uu muddo 9 cisho ah kulamo kala duwan uu la qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cabdiqaadir Nadaara oo ah afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay saxaafadda in kulamadaasi ay kasoo baxeen qodobo muhiim ah.

Qodobada kulamadaasi kasoo baxay Waxaa ka mid ahaa:-

  • In la qaatay nidaam dowladnimo oo ku saleysan Nabad, Cadaalad iyo Xukun wanaag, si loo sugo helitaanka adeegyada asaasiga ah ee Bulshada
  • In shacabka Konfur Galbeed iskiis wax u qabsado, si uu u hiigsado isku filnaansho iyagoo mideynaya xoogooda, dhaqaalahooda iyo talooyinkooda, kuna dhaqmaya deris wanaag
  • Waxaa la qaatay tallaabooyin cadcad oo lagu sugayo amniga sida qaadista Isbaarooyinka sharci darrada ah ee ku teedsanaa wadooyin ka tirsan gobalka Shabellaha Hoose
  • Waxaa laga digay lana mamnuucay isbaarooyinka iyo Jidgooyooyinka loo dhiganayo shacabka si umadda looga qaado culeyska saameeyay noloshooda iyo adeegyadooda isku socodka
  • Waxaa dib loo howlgaliyay qeybo ka mid ah hay’adaha amniga qaarka harayna hadii allah raali ka noqdo sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loo dhameytiri doonaa
  • Waxaa dib loo furay garoonka diyaaradaha ee Lambar 50, waxaana la rajeynayaa in dhawaan garoonkaasi howlgalo, shaqadiisana bilaabo
  • Wafdiga waxa uu sahmiyay xerooyinka lagu tababari karo ciidanka Booliiska Koonfur galbeed, waxaana la helay goobo ku haboon tababarka ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya
  • Waxaa la’isku fahmay qaab mideynta iyo wada shaqeynta ciidamada ka howlgala gobalka guud ahaan

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahan socdaal ku marayay deegaanada gobalka Shabellaha Hoose, waxaana xusid mudan intii uu socdaalkaan ku jiray in lala eegtay qarax Miino.

Goobjoog News