Qof Lagu Diley Degmada Afgooye Ee Sh/hoose

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan bistoolado ay halkaasi ku dileen qof la sheegay inuu deegaanka ahaa.

Ninka la diley ayaa lagu magacaabaa Maxamed Geesey, waxaana si aad ah looga yaqaanaa degmada Afgooye.

Dilka kadib, waxaa lasoo sheegayaa in goobtaasi ay ka baxsadeen raggii dilkaasi ka dambeeyay, iyadoo halkaasina ay gaareen ciidamada ammaanka oo howlgallo wada.

Lama oga sababta ka dambeysay dilka ninkaan iyo dadka diley waxa ay ahaayeen.

Dilalka sidan oo  kale ah ayaa kusoo batay degmada Afgooye oo u muuqata mid muddooyinkaan dambe amnigeeda faraha uu kasii baxayo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW