U bood dhigaalka

Qof Lagu Diley Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenkii xalay ahaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug loogu geystay nin la shegay inuu kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee maamulka Puntland.

Dhallinyaro Seddex ah, kuna hubeysnaa Bistoodalo ayaa la sheegay iney dileen ninkaan oo ku sugnaa xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Waxaa goobta isaga baxsaday raggii dilkaasi ka dambeyay, waxaana ilaa iyo saakay socda howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka ee Puntland.

Weli maamulka Puntland wax faah faahin ah kama aanu bixin howlgalkaa, waxaana dilalka sidan ah ay noqdeen kuwo kusoo batay magaaladaasi.

Goobjoog News