U bood dhigaalka

Qoysas Badan Oo Ka Barkacay Deegaanka Xeraale Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi barakac ay ka bilaabeen qoysas badan oo deegaanka deganaa.

Barakacan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna ay gudaha u galeen deegaankaasi, waxaana dadku ay ka baqeen in dagaal uu dhaco.

Mid kamid ah waxgaradka ku dhaqan Xeraale oo la hadlay Goobjoog News, kana gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in ciidamada Ahlu-sunna ay aad u badan yihiin kuna hubeysan yihiin gaadiid dagaal oo ka badan 10.

“Barakac ayaa ka socda deegaanka, waxaa yimid Ahlu-sunna oo aad u hubeysan una muuqda iney yihiin kuwo dagaal u diyaarsan, dadka qof walbo meeshii uu ku barakici karo ayeey aadeen, ma garan karno sida ay xaaladdu noqon doonto”

Dhanka kale, Goobjoog News, ayaa xiriir ay la sameysay saraakiisha Ahlu-sunna u suurtagelin inaan helno si aan wax uga weydiinno ulajeedka ciidanka ay geeyeen Xeraale.

Goobjoog News