U bood dhigaalka

Qoysas Ka Barakacay Fatahaad Wabiga Shabella Uu Ka Sameeyay Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Qoysas badan ayaa ka barakacay deeganno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, halkaasi oo fatahaad uu ka sameeyay Wabiga Shabelle ee gobalkaasi mara.

Deegaanka Baladul Amiin ee gobalkaasi ayaa lagu soo waramayaa in ka barakaceen in ka badan 120 Qoys, ka dib markii deegaankaasi uu Wabiga ku fatahay.

Gudoomiyaha deegaankaasi Cali Macallin Maarow ayaa u sheegay Goobjoog News in biyaha ay dhex buuxaan xaafadaha deegaankaasi, sidoo kalena ay halis ku jiraan in dad kale ay deegaanka ka barakacaan.

“120 illaa 130 Qoys ayaa barakacay oo dad dul dagay, kuwo kale ayaa barakac ah maanta, waayo Wabiga waxa uu ku fatahay deegaanka walibana meelo kale ayeey biyaha ku wajahan yihiin, hadii aan wax laga qaban xaaladda ayaa is bedali doonta” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha Baladul Amiin ayaa sheegay in cabsida ugu daran ay tahay in biyaha dhex yaalla deegaanka ay ka dhashaan cuduro isugu jira duumada iyo sidoo kale Shuban Biyoodka.

Dowladda Federaalka iyo maamulka gobalka Shabellaha hoose ayuu ugu baaqay in ay booqdaan degmadaasi, islaamrkaana ay wax ka qabtaan xaaladdaan cusub ee halkaasi ka jirta.

Goobjoog News