U bood dhigaalka

Qoysas Ka Soo Barakacay Shabeellaha Hoose Ayaa Soo Gaaray Kaxda, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qoysas hor leh oo ka soo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka shabeellada hoose oo dhawaan ay duqeymo ka dhaceen ayaa soo gaaray duleedka magaalada Muqdisho.

Dadkani ayaan xilligan heysan hooy ay ka galaan roobka iyo qoraxda sida uu xaqiijiyey maamulka degmada Kaxda, qoysaskan waxaa ay ka kala yimaadeen degaannada Basra, Bariire iyo meelo kale oo ay dagaallo ka dhaceen.

Qaar ka mida dadkani ayaa Goobjoog News u sheegay in xiligani ay heystaan xaalado bani’aadanimo waxaa ayna dalbanayaan gargaar degdeg ah.

“Waxaan lahaa geel iyo Lo’ waay baaba’een,  beer aan beeranno ma jirto, waan baahanahay meeshaas ayaan ka soo baro kacay “.Waxaan ka soo baro kacnay tooratoorow oo dhibaato naga soo barakicisay, waxaa na keenay dhib,  Lo’ waan heesannay waa ay naga dhamaatay”. Mid ka mid ah dadka la hadlay Goobjoog News oo magaciisa aan sheegin.

Guddoomiyahay waaxda saddexaad ee Kaxda Zakariye Cabdullahi oo isaga ku sugnaa xerooyinka cusub oo dadkani la dejinaayey ayaa sheegay in labadii maalin ee la soo dhaafay ay soo gaareen in ka badan 1000 qof degmada kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho.

“Waaxda saddexaad ee Cumar Fiyaasko waxaa soo gaaray todobaadkaan gudahiisa dad aad iyo aad u tiro badan oo ka soo guuray Basro iyo Bariire”.

Duleedka magaalada Muqdisho waxaa ku nool qoysas aad u badan kuwaas oo horay uga soo baro kacay abaaraha ku dhuftay qaar ka mida gobollada dalka,waxaan barakacyaashaan cusub iyo kuwii horay u deganaa ay hadda la kulmayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Goobjoog News