U bood dhigaalka

Qoysas Ku Xoolo Beelay Abaarta Gedo Oo Ay Soo Wajahdey Daruufo Dhanka Nolosha Ah

Sheeko:Dalka
Boqolaal Qoys oo ku xoolo beelay abaarta gobolka Gedo oo Saddexdii Toddobaad ee u dambeysay soo gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay wajahayaan xaalad bini’aadannimo.
Macalin Maxamuud Maxamed ,waa Aabe  leh Labo qoys oo ka kooban ilaa iyo 14 ruux, waxaana uu kasoo barakacay Tuulada Khadiidaa oo Garbahaarey u jirta 37KM, waxA uu muddo haatan laga joogo ilaa 17 maalin ah uu ku biirey isaga iyo Qoysaskiisa mid ka mid ah Xeryaha loo asteeyey dadka ku ceertoobey abaarta ee ku taalla duleedka degmada, waxuuna Goobjoog News uu u sheegay in ay dhaafeen dhamaan 3-dii duunyo ee uu dhaqanayey, haatanna gacantiisa ay maran yahiin, daruuftana ay ku kalliftey inuu ku biro xeryaha Barakacayaasha.
“Markii aan soo galney Garbahaarrey annagoo Ceyr ah maamulka ayaa na dejiyey Xerada tan iyo intii aan soo gaarney garbahaarrey ma jiraan wax gurmad ah oo nasoo gaarey, marka laga reebo martiqaad 2 maalin oo maamulka uu noo sameeyey, dadkuna ma haystaan wax ay cunaan, mana muuqato ififaallo loogu gurman karo dadkan gaajada u baaba’aya oo meel kastaba isaga kala yimid, waxaan Codsan lahayn in naloo soo gurmado”
Ambiyo Cabdullaahi Aden waa hooyo qoyskeedu uu ka kooban yahay ilaa 7 ruux waxayna ka soo barakacdey Tuulada Masale aduun oo Garbahaarrey u jirta 20 KM, waxayna 18 maalin kahor iyana ku biirtey mid ka mid ah Xeryaha ay ku jiraan Qoysaska ku xoolo beelay abaaraha ee dhowaan laga furey Duleedka Garbahaarey, waxayna inoo sheegtay in xaaladda nololeed iyada iyo qoyskeeda in ay marayso meeshii ugu adkeyd, sababta ku dhalisay in ay ku biirto xeryaha barakacayaasha ayey ku tilmaantey in ay sabab u tahay inay hesho nolol, maadama ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen.
Goobjoog News