U bood dhigaalka

Qoysas Turkiga Ah Oo Baroor Diiq U samaeeyay Dadkii Looga Dilay Somaliya

Sheeko:Dalka, War

Qoysaska Turkiga ah ee ku nool waqooyiga gobolka Çorum iyo caasimada Ankara ayaa u baroor diiqaya ehelladoodii kuwaas oo lagu dilay qarax ka dhacay Somaliya sabtidii aan soo dhaafnay kaas oo ka dhaca deegaanka Lafoole, oo ku yaaal meel 22 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa fuliyay weerarka ay ku dhinteen shan qof, oo ay ku jiraan laba u dhashay Turkiga oo lagu kala magacaabo Selami Aydoğdu iyo Erdinç Genç, oo u shaqeynayey mid ka mid ah shirkadaha Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya sidoo kale ay ku dhaawacmeen dhowr kale.

Genç oo ah 44 jir Aabe leh seddex caruur ah ayaa loola cararay isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Muqdisho si loogu dabiibo laakiin waxaa u dhintay dhaawicii soo gaaray kaas oo ahaa mid aad u daran.
Xaaskiisa Melek Genç ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Anadolu in aaga uu ka shaqeynayay ninkeeda ay ilaalinayeen ciidamada balse la dilay.
Selami Aydoğdu oo 22 jir ah ayaa guursaday.

Lix bilood uun ka hor dhacdada waxaa uuna ka mid noqday dadkii dhaawacmay. sidoo kale Aaabihiis ayaa isna ku dhaawacmay weerarka.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga waxay ku sheegtay Sabtidii in weerarka uu ka dhacay agagaarka mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgoya, kaasoo ay maalgelisay dowladda Qatar, isla markaana ay fulisay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga
Wasaaradda arrimaha dibedda oo ballanqaaday garab istaag dowladda iyo shacabka Afar shaqaale ah oo ku dhaawacmay dhacdada iyo meydadka dadka dhintay ayaa dib loogu soo celiyey Turkiga diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines.

Koox Injineerro Turki ah ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay qarax ay ku dhinteen ugu yaraan 90 qof bar koontarool oo ku taal Muqdisho bishii Diseembar 2019.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee casriga ah wuxuu soo bilowday 1979-kii markii dal walba laga furay xafiisyadii ugu horreeyay ee diblomaasiyadeed. Tan iyo xilligaas, Turkiga wuxuu ballaariyay joogitaankiisa waddanka Afrika ku yaal. Taas hadda ka dhigan in saafarada ugu weyn caalamka uu turkigu ka leeyahay ay ku taal Mugadishu.

Turkiga ayaa sidoo kale ka mid ah saaxiibada shisheeye ee ugu dhow Soomaaliya wuxuuna ka mid yahay dowlado dhowr ah oo tababaraya askarta si ay ula wareegaan ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika, ee AMISOM, kuwaas oo ciidamadooda lagu wado inay sanadkan ka baxaan dalka 14 sano kadib.

 

Mawduucyada:Gobollada