U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Oo Codsaday In Dib Loo Dhigo Doorashada Galmudug

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa codsaday in dib loo dhigo muddo 45 cisho ah doorashada madaxweynaha ee maamulka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka Galmudug, waxaana qoraalkaasi ku xusan 5 qodob oo loo sababeynayo codsiga Ra’iisul wasaaraha, kuwaasi oo kala ah:

1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa muddooyinkaan dambe isku diyaarinayey sidii ay u dooran lahaayeen madaxweynahooda cusub.

Goobjoog News