U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Jowhar Uga Qeybgalaya Caleema Saarka Madaxweyne Waare

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali  Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha magaaladaasi kaga qeybgali doonaa munaasabadda Caleema Saarka ee madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, taasi oo maanta ka dhici doonta magaalada Jowhar.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgala sida qorshaha yahay madaxda maamul goboleedyada dalka, iyadoo ammaanka magaaladaasi aad loo adkeeyay.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa aaday garoonka Jowhar si ay usoo dhoweeyaan madaxda Jowhar ku wajahan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News