U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo u Ambabaxay Baraawe, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay u ambabaxeen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararku waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha u kuurgalayo xaaladda ammaanka ee degmadaasi, arrimaha ciidamada maadaama ay dowladda Federaalka dhowaan qorsheynayso iney qaaddo dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed ayaa ku sugan degmada Baraawe, iyadoo ammaanka guud ee degmadaasi aad loo adkeeyay.

Sidoo kale waxaa socota qaban qaabada lagu doonayo in lagu soo dhoweeyo Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News