U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasare Cumar Cabdirashiid Oo Magaalada Kismaayo Kula Kulmaya Madaxda Maamulka Jubbaland

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ku hoyday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose, ka dib safar uu halkaasi ku tagay.

Waxaa maanta la filayaa in ra’iisul wasaaraha uu kulamo la qaato madaxda maamulka Jubbaland oo ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo arimo badan ka wada hadli doonaan.

Arimaha ugu weyn ee laga wada hadlayo ayaa ah doodda ka taagan xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland iyo qaabka loo soo xulay.

Xubno ka mid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Jubbaland qaarkood ayaa arimahaan si toos ah u falanqeyn doona, waxaana intaasi ka dib arinta ay usoo gudbi doontaan Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Jubbaland.

Dhawaan ayaa xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya waxa ay mooshin ka keeneen baarlamaanka Jubbaland, ka dib markii ay sheegeen in dhismaha baarlamaankaasi aanu waafaqsaneen Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Goobjoog News