U bood dhigaalka

Madaxweyne hore Farmaajo oo Xildhibaannimo loo dhaarinayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo axad ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ah ay yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo lagu balan sanaa in shalay oo Sabti ah uu dhaco balse ay dib u dhigeen guddoonka golaha shacabka.

Kulanka ayaa ajendihiisu yahay dhaarinta xildhibaan sharafeed loo dhaarinayo madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo.

Xildhibaannada golaha ayaa lagu wadaa in ay soo xaadiraan kulanka oo furmi doona 9:00AM, subaxnimo ee saaka oo Axad ah.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in kulanka lagu doorto guddoonnada guddiyada baarlamaanka golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada