U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Rooble oo Magacaabay Guddiga Qabanqaabada Todobaadka Xoriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 16 xubnood, kuwaas oo qabanqaabi doona  xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka June iyo 1-da July oo sanad waliba laga xuso dalka, waxaana lagu weyneeyaa markii daleennu uu xornimadiisa qaatay sanadkii 1960-kii, iyadoo oo la helay Jamhuuriyadda Soomaaliya lana baxay gumaysigii dowladaha Taliyaaniga iyo Ingiriiska.
26-kii June sanadkii 1960-kii Gumaystihii Ingiriiska ayaa xornimada siiyay gobolada Waqooyi ee Somaliland, halka 1-dii Luulyo isla sanadkaas dowladdii Taliyaaniga ay isaga baxday goboladda Koonfureed, waxaana markaas israacay labadii gobbol oo ku heshiiyay dhismaha Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga aheyd ee Soomaaliya, waxaana ay dhisneyd ilaa 1969 -kii markaas doorasho laba madaxweyne oo Baarlamaani ah, kadib waxaan dalka la wareegay Milatariga oo taliyay 21-sano.

No photo description available.

Goobjoog News