U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamsa iyo Guddoomiye Madoobe oo Kulamo Sagootin ah la qaatay Safiirka Qatar

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan shaco sharaf iyo sagootin ah la qaatay safiirka dalka Qatar u fadhiyay dalkeenna.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa kaga mahad celiyay safiirka shaqadii uu ka qabtay xiriirka labada dowladooda mudadii uu joogay xafiiska.

Dhinaca kale safiirkaan ayaa kulan sagootin ah la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa danjiraha uga mahadceliyey sida Dowladda Qatar ay uga go’an tahay tageerada iyo garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

   

Goobjoog News