U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamsa oo kormeeray xarunta dowladda hoose ee Xamar

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta maamulka dowladda hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),  ayaa ra’iisulwasaaraha ku soo dhaweeyay xarunta dowladda hoose.

Ra’iisulwasaaraha ayaa faray maamulka gobalka Banaadir, in ay dardar geliyaan howlaha dowladda hoose ee ay u haayaan shacabka ku dhaqan caasimadda.

Goobjoog News