U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamsa oo Magacaabay Lataliyayaal iyo Shaqaalaha Xafiiskiisa

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacabay xubna sare sare oo ka tirsan howladeenada xafiiska iyo xukuumadda ra’iisulwasaaraha.

Wareegtooyin ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaa lagu magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisulwasaaraha, afhayeenka xukuumadda iyo qaar kamid ah howlwadeenada xafiiska ra’iisulwasaaraha.

Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa loo magacabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisulwasaaraha, kadib wareegto ka soo baxay Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale Afhayeenka ra’iisulwasaaraha u magacabay rugcaddaa saxaafadeed wariye Farxaan Maxamed Jimcaale, halka Cabdullahi Shariif Cabdi, loo magacabay agaasimaha habmaamuuska ra’iisulwasaaraha.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa sidoo kale Haashim Maxamed Cali, u magacaabay agaasimaha maaliyadda iyo maamulka xafiiska ra’iisulwasaaraha.

Dhinaca kale ra’iisulwasaaraha ayaa magacabay qaar kamid ah lataliyayaashiisa arrimaha amniga, dib u hishiinta, siyaasadda iyo xiriirka caalamiga.

Kamaal Guutaale, ayaa loo magacabay lataliyaha amniga ra’iisulwasaaraha, halka Cali Cabdi Awaare loo magacabay lataliyaha arrimaha dib u hishiinta.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu la taliyaha arrimaha siyaasadda iyo isuduwaha barnaamijyada ra’iisulwasaaraha u magacaabay Axmed-Nuur Maxamed Cabdi, halka Drs Hodan Cusmaan loo magacabay lataliyaha xiriirka Caalamiga ah.

Sikastaba magaacabistaan ayaa imaaneysa xilli ra’iisulwasaaraha dhawaan lagu wado in uu soo dhiso golahiisa cusub ee xukuumadda.

Goobjoog News