U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamsa oo warbixin ka dhageystay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya Mss Kristina Svensson.

Kulanka ayaa looga hadlay dadaaladda banguga adduunka uu ka wado Soomaaliya iyo sidii ay doorwayn uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka ay saameysay abaarta dalka.

Kristina ayaa xog ka siisay ra’iisulwasaaraha sida bangiga adduunka uu dadaal ugu bixinayo howlaha gurmadka dadka ay saameysay abaarta.

“Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda – iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

 

Goobjoog News