U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Baaq Ku Aadan Abaaraha u Diray Beesha Caalamka

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomalaiya mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadalayay shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda dan-qaran, ayaa baaq waxaa uu u diray beesha caalamka, hey’adaha gargaarka, isaga oo ka dalbaday in ay u soo gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee la daalo dhacaya saameynta abaarta.

Xamse waxaa uu sheegay haddii aan xilligaan wax laga qaban abaarta jirta, oo  ay isku rogto heer macluul ah ay adkaan doonto in wax laga qabto sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu hadalkiisa ku sii daray in Soomaaliya maanta ay ugu baahi badan tahay in la caawiyo, maadaama ay ka jirto abaar baahsan, taas oo si dara u saamaysay Reer guuraga iyo duunyada.

” Waxaan baaq u dirayaa dhammaan beesha caalamka, deeq bixiyeyaasha, hey’adaha kheyriga ah, guud ahaan beesha caalamka, meel kasta ay joogaan in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed, in ay ka hortagaan in ay dhacdo macluul, xilligaas oo ay adkaanayso in dadka Soomaaliyee la caawiyo, maanta ayey joogtaa maalintii la caawin lahaa”ayuu yiri Xamse  Barre.

Hadlaka kasoo baxay Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo kulan ay golaha wasiirrada ay isugu yimaadeen looga hadlay xaaladda dalka ka jirta ee abaarta iyo sidii looga samatabixi lahaa xilligaan adag oo shacabku ay wajahayaan abaarta baahsan ee dadka iyo duunyada saamaysay ee laga cabsi qabo in ay isku rogto heer macluul ah.

Goobjoog News