U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Ballanqaad u Sameeyay Xulka Da’yarta, Haddii ay Ku Guuleystaan AFCON

Sheeko:Cayaaraha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa  kulan dhiirigelin iyo taageerid ah la qaatay Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano, kuwaasi oo guullo taariikh ah ka soo hooyay tartanka CECAFA Zone, iyagoo barri la ciyaaraya Finalka South Sudan, oo dhankeeda kasoo gudubta xulka qaranka Tanzania oo ay wada dheeleen.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay cayaartooyda kooxda, macallinkooda iyo masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta guusha ay u soo hooyeen magaca Soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay tahay mid dhaxalgal ah. Xamse wuxuu dhallinyarada u sheegay in Soomaali oo dhan ay dhinacooda soo eegayaan cayaarta kama dambeysta ah, isagoo u ballanqaad u sameeyay iyo  abaalmarin weyn oo ay ku farxaan haddii ay ku soo guuleystaan Koobka.
“Waxaan caawa kulan dhiirigelin iyo taageero ah kula qaatay magaalada Addis Ababa, cayaartooyda Xulkeena Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano, oo guullo taariikhi ah ka soo hooyay tartanka kubadda cagta ee CECAFA .Waxa aan macallinka kooxda iyo Xiriirka Kubadda Cagtaba ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo wakhtiga ay geliyeen  dhallinyarada si ay u xaqiijiyaan meesha maanta ay joogaan iyo guulaha dhaxalgalka ah ee ay gaareen” ” ayuu ku yiri qoraal uu soo galiyay bartiisa Facebook.
Kooxda kubadda cagta Da’yarta Soomaaliya ayaa cayaarta finalka waxa ay isaga hor iman doonaan kooxda South Sudan maalinta Sabtida – waxaana labada koox ay u soo baxeen tartanka AFCON ee 2023 ka dhici doona Aljeeriya, waxaana ay noqdeen labada wadan ee koobka ku matalaya wadamada bariga iyo bartamaha Afrika, koobka ayaa waxaa isaga haray xulal aad loogu qarin jiray Sida Uganda Itoobiya iyo Tanzania oo marar badan u gudbay.
Goobjoog News