U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka.

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay barnaamijka Xukuumadda ee Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka.
Shirka oo ay ka soo qaybgaleen guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka dhaqaalaha, ayaa warbixin faahfaahsan looga dhageystay guddiga oo ka warramay qorshaha dhinaca horumarka ee dowladdu ka sameyneyso dejinta koboc dhaqaale oo lagu baraaro.
Dowladda Soomaaliya oo barnaamijkeeda deyn cafinta uu meel wanaagsan oo gabogabo ah marayo, ayaa guddigeeda dhaqaalaha lagu wadaa in toddobaadkan dhammaadkiisa ay kulan muhiim ah la yeeshaan madax sare oo ka tirsan Baanka Adduunka.
Goobjoog News