U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Sheegay iney Ka Go’an Tahay Xukuumadda Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhowaan waxaa uu safar ku tagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo u kuurgalayay xaaladda ka jirta gobolka, iyo deegaannada Hirshabeelle.

Xamse oo uu wehlinayay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu booqday xeryaha ay ku nool yihiin  dadka baracayaasha ah ee kasoo hayaamaya abaaraha gobolka, iyadoo ay horay u deganaayeen kuwa barkacaayl ah abaarta ka hor.

Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadda dan-qaran ay ka go’an tahay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay,  waxaana uu ka dhageystay warbixin guud oo ku aadan xaaladda abaraha xubnaha ku sugan xerada.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kamid yahay goobaha ay ka jiraan abaarta baahsan ee ku dhufatay dalka, waxaana dadku isaga soo hayaameen baadiyaha, kadib markii ay dhaafeen xoolahooda, waxaana ay deegaansadeen duleedka Baladweyne.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaa ka dhageystay xubno ka mid ah qoysaska ku jira xerada xaaladda ay ku sugan yihiin.
Goobjoog News