U bood dhigaalka

Raila Odinga oo gaari xamuul ah ku gudbiyay dacwadda ka dhanka ah natiijada doorashada Kenya

Sheeko:Dalka

Siyaasiga mucaaradka ah ee guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ay sheegeen in looga adkaaday doorashadii ka dhacday dalka Kenya  Raila Odinga, ayaa u gudbiyay maxkamadda sare ee Kenya dacwad ka dhan ah natiijada doorashada.

Odinga, ayaa ku andacoonaya in uu isaga uu yahay shaqsiga ku guulaystay doorashada madaxtinimada dalka Kenya, waxa uuna gaari xamuul ah oo ay ka buuxaan warqadaha cabashada ah uu u gudbiyay guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya.

Siyaasigaan ayaa doorashada looga adkaaday waxaana natiijada doorashada ee soo baxday lagu sheegay in uu ku guulaystay tartanka madaxweynaha dooran ee Willium Ruto, oo helay 50.55%,  halka Odinga uu helay 48.8%.

Goobjoog News