U bood dhigaalka

Rasaas Ka Dhacday Gudaha Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xaaladda ay maanta tahay mid deggan kadib rasaas xalay laga maqlay gudaha magaaladaasi.

Rasaasta ayaa laga maqlay dhanka xaafadda Garsoor oo ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Sida uu soo sheegayo wariyaha Goobjoog News rasaasta ayaa timid kadib markii bar ciidan oo xaafaddaasi ku taalla ay damceen baabuur ganacsi oo ciidamo kale la socdaan inay xoog ku maraan.

Rasaastani oo dadka shacabka ah cabsi gelisay ayaa hadda la soo sheegayaa in ay xaaladdu tahay mid wanaagsan islamarkaana ciidamada Galmudug iyo Punland ay ku wada sugan yihiin barahoodii.

Adeegyada bulshada ayaa caadi ah waxaana la soo sheegayaa wadadii xalay rasaastu ay ka dhacday inay ka caagan yihiin baabuurta waa weyn ee ganacsiga sida, waxaana lagu soo warramayaa in baabuurtani ay dib ugu laabteen dhanka waqooyi oo markii hore ay ka yimaadeen.

Maamullada degmada Gaalkacyo ee labada dhinac ayaa weli wax war ah ka soo saarin rasaastani oo mid caadi ah ka noqotay magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News