U bood dhigaalka

Roob Ka Da’ay Kismaayo Oo Saameeyey Isku Socodka Gaadiidka

Sheeko:Dalka

Roob ka da’ay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka,  kadib markii ay biyo badan fadhiisteen waddooyinka magaaladaasi.

Darwaladda ka shaqeeya Kismaayo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in waddooyinka oo burbursanaa ay hadana biyo badan fariisteen.

“Waddooyinka iyaga oo burbursanaa ayaa hadana waxaa noogu darsamay biyo badan oo degay wadadii, roobka waa ilaahay mahadiisa, waan waxaanA Alle ka baryeennay, laakiinse saameynta yar waa in uu maamulka wax ka qataa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha oo la hadlay Goobjoog News.

Gaadiidka ayaa markii sidan oo kale waddooyina biyo fariistaan waxay dhex mari jireen xaafadaha qaar ee magaalada Kismaayo, hase ahaatee waxay darawallada sheegayaan in dad shacab ah ay waddooyinkii xirteen.

Waddooyinka Kismaayo ayaa la filayaa in dib u dhis ay ku sameyso dowladda Turkiga, iyadoo qorshahaasina uu socday maalmihii ugu dambeeyey.

Goobjoog News