U bood dhigaalka

Roobab Khasaare Dhaliyay oo Ka Da’ay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Sheeko:Dalka

Dowlad deegaanka Soomaalida oo muddooyinkii dambe deegaanno badan oo kamid ah ay ka jireen abaaro aad u sameeyay dadka iyo duunyada ayaa waxaa inta badan ka da’ay Roobka xilliga Gu’ga, oo inta badan dhulka ay Soomaalidu degto siweyn looga Roobsaday inta lagu gudajiro maalmaha hore ee  Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Wasiirka Xafiiska Khataraha Maareynta Musiibooyinka Dabiiciga ah eedee dowlad deegaanka Axmed Yaasiin Shiikh Ibraahim oo la hadlay laanta VOA-da ayaa sheegay in 11-ka gobol ee maamulka uu ka da’ay Roobka Gu’ga, isaga oo sheegay in Roobka da’ay uu yahay Todob, kaas oo inta badan kasoo hormara Gu’ga oo la fisho April.

“Degmada Iimeey Galbeed sidoo kale waxaa ka dhacday Fatahaad, khasaaraha ilaa hadda aan heyno waa 70 Neef oo Ari ah, sidoo kale degmada Owbarre Laag weyn( daad) oo soo rogmatay ayaa la tagtay gaari weyn oo Xamuul ah, waxaana ku dhintay ilaa 9 ruux” ayuu yiri Wasiirka Xafiiska Khataraha Maareynta Musiibooyinka Dabiiciga.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay  in Roobabka deegaannada ay ka Da’een ay ka geysteen khasaare iyo sidoo Barac ku yimid dadka, kadib markii meelaha qaar ay kusoo rogmadeen daadad xooggan, isaga oo xusay in deegaan lagu magacaabo Haargaduud oo hoostaga degmada Khalaafe ay kamid tahay goobaha ay waxyeelladu ka dhacday.

“Khasaare weyn majiro laakiin waa ay dhaceen dhowr meelood oo kale duwan, degmada Khalaafo oo kale meesha Haarguduud la yiraahdo fatahaadbaa ka dhacday ilaa 40 Qoysbaa ayaa ku barakacayoo oo meelihay deganaayeen ay biyo ugu galeen, degmada Guradhaamoole waxaa ka da’ay Roobab Dabeylo watay, waxaa uu gaarsiiyay ilaa 20 guri uu dumiyay, 16-kale uu dhaawacyo uu gaarsiiyay” ayuu sii raaciyay hadalkiisi xilli uu hadlayay Wasiirka.

Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa uu kamid ahaa goobaha siweyn looga dareemay Abaarta baahsan ee dhowaan dhulka Soomaalida wada gaartay, Roobabka xilliga Gu’ga oo curasho bilaabay ayaa ilaa iyo hadda geystay khasaare kale duwan oo ka dhashay fatahaado ay soo rogeen Roobabka oo siweyn u da’ayay maalmahaan.

Goobjoog News