U bood dhigaalka

Roobab sababay dhimashada ku dhawaad kun qof oo ka da’ay Pakistan

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay 1,000 qof ka badan ayaa ku geeriyootay halka tiro intaas ka badan ay ku barakaceen roobab daadad wata oo ku dhuftay gobalka Sindh ee dalka Pakistan.

Roobabka oo si xooggan u da’ayay labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in ay ku siibahayaan gobalada kale ee dalka.

Toggaga wabiyada ee waqooyiga buuraleyda ah ayaa la filayaa in ay ku biya shubaan magaalooyinka kale ee gobalka hoos yimaada.

Pakistan ayaa waxaa ay wajaheysa daadadkii ugu xumma mudda dheer kadib, waxaana dowladda dalkaasi ay sheegtay in ay waddo gurmad ballaaran oo loogu gurmanayo dadka.

Goobjoog News