U bood dhigaalka

Roobabkii Iyo Dabaylihii Ku Dhuftay Deegaanno Ka Mid Ah Gobalka Bari Oo Jaray Waddooyin Muhiim Ah

Sheeko:Dalka

Waddooyin aad u muhiim ah ayaa ku xirmay dabaylihii iyo roobabkii dhawaan ka da’ay deegaanno ka mid ah gobalka Bari, kuwaasi oo sababay sare u kac dhanka maciishadda ah.

Odayaal dhaqameed iyo ganacsato kullan ku yeeshay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in shacab badan ay go’doon ku yihiin deegaanno ka mid ah gobalka Bari, islamarkaana loo baahan yahay in dadkaasi loo gurmado.

Wax gaadiid ah oo geli kara deegaanadaan ayaanu jirin sababo la sheegay in wadooyinka ay burbursan yihiin.

Loorkii 50 KG ee Bariiska ah ayaa deegaanada qaar ee gobalka Bari ka jooga lacag dhan 80 doolar, halkii horey uu aad uga yaraa qiimo dhan 50 doolar.

Guud ahaan maamulka Puntland, shacabka iyo cid walba oo Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in dadkaasi ay u gurmadaan.

Goobjoog News