U bood dhigaalka

Rooble oo baaq ka soo saaray weerarka Hotel Xayaat

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerar ururka alshabab ay ku qaadeen Hotel Hayat ee magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in uu aad uga xunyahay weerarka kooxda shabaab ay ku qaadeen hotelka.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu la beegsadeen hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.
“Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, dhaawacyadana deg deg u bogsiiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Xuseen Rooble.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay iska caabiyaan kooxaha argagixisada ah.
“Waxaan ku baaqayaa in Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed isu kaashadaan sidii la isaga caabbin lahaa loona cirib tiri lahaa cadowgan har iyo habeen laynaya shacabkeenna,”ayuu yiri ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble..
Goobjoog News