U bood dhigaalka

Rooble Oo Faray In La Hakiyo Doorshada Banaadiriga

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xussen Rooble  ayaa shegay in ay so gaartay cabasho ka dhan ah xafiiskiisa oo kaga timid odoyaasha dhaqanka beelaha  banaadirga.

Rooble ayaa shegay in uu magacabayo guddi baaris ku sameeyo cabashada ka timid odayaasha dhaqanka banaadiriga,  si ay uga soo  jawaab bixiyaan .

Ra’iisul wasaare Rooble  ayaa faray  guddiga SEIT in ay hakiyaan doorashada kuraasta banaadiriga oo dhici laheyd Isniinta soo socota.

“Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.
Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga.”ayaa lagu yiri qoral ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.
Goobjoog News