U bood dhigaalka

Rooble Oo Lakulmay Hay’daha Maaliyadda Dalka.

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta dawladda Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta.

 

Kulankan aya daba socda warqad shalay warbaahinta loo soo dusiyay oo kaso baxday Xafiiska Ra’isul wasaaraha taa oo lagu faray wasaaradda Maaliyadda in wax lacag ah iyo xita musharaadka ciidamada aysan bixin karin iyada oo aan ogolaasho laga helin Xafiiska Wasiirka koowaad.

GOOBJOOG NEWS.

Mawduucyada:Gobollada